Netanyahu oo qorsheynaya arrin yaab leh oo la xiriirta dagaalka ka socda Gaza

Posted on

Israa’iil ayaa qorsheynaysa inay dhowaan ku dhawaaqdo inay guul ka gaareen dagaalka ay kula jireen guutooyinka hubaysan ee Xamaas, si ay isugu diyaariyaan duulaan ay ku qaadaan Xisbullah.

Dad badan ayuu la yaab ku noqon doonaa hadalkan, waxayna ku soo aadaysa xilli ay maalin kasta sii hormarinayaan kooxaha Falastiiniyiinta weerarrada ay la beegsanayaan ciidanka Israa’iil ee ku sugan Qasa.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii afhayeenka ciidamada Israel uu si cad u sheegay in Xamaas iyo kooxaha kale ee ka dagaalaamaya Gaza aan laga adkaan karin.

Waxaa si weyn loo xasuusta hadalkii madaxa Golaha Amniga  Israa’iil, Tzachi Hanegbi, oo qirtay bishii May ee la soo dhaafay, in lagu guuldareystay in la gaaro dhammaan yoolalka dagaalka, oo ay ku jiraan soo celinta maxaabiista, baabi’inta Xamaas ama xataa si nabad ah in Israa’iiliyiinta loogu celiyo deegaannada koonfurta ee ku dhow Qasa oo xilligii dagaalka ay ka baracakeen.

Source link