Markabka diyaaradaha xambaara ee Mareykanka oo lagu weeraray Badda cas

Posted on

Kooxda Xuutiyiinta Yemen, ayaa sheegay inay khasaare gaarsiiyeen markabka diyaaradaha dagaalka xambaara Eisenhower ee Maraykanka.

Waxay sheegeen iney gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn la beegsadeen xilli uu ku sugnaa waqooyiga badda cas, sida u sheegay afhayeenka kooxda.

Dhinaca Mareykanka ma jirto warbixin ka soo baxday, xilli warbaahinta Mareykanka ay sheegtay markabka Eisenhower inuu u dhaqaaqay dhinaca xeebaha Lubnaan, si uu u taageerro howlgalka Israa’iil.

Kooxda Xuutiyiinta Yemen oo taageeraya xoogaga Xamaas ee ka dagaalamaya Gaza ayaa maraakibta Mareykanka iyo kuwa Israel ka mamnuucay badda Cas, waxayna illaa hadda dajiyeen afar markab, halka kuwo kalena ay khasaare gaarsiiyeen.

 

Source link