Midowga Afrika oo aqbalay Codsigii dowladda Soomaaliya iyo howlgal cusub oo bilaabanaya

Posted on

War-murtiyeed kasoo baxay Midowga Afrika ayaa si weyn loogu taageeray codsigii ay dowladda Soomaaliya ku doonaysay in kaddib bixitaanka ciidamada ATMIS, kaddib  la billaabo hawlgal muddo kooban ah oo dawladda looga caawinayo dhammeystirka dadaallada la-wareegista amniga iyo ciribtirka argagaxisada.

Go’aankan kasoo baxay Midowga Afrika ayaana meesha ka saaraya cabsi laga qabay in xaalad amni ay timaado marka ay ciidamada ATMIS dalka ka baxaan, balse ciidankan cusub ee howlgalka bilaabaya ayaa caawin doona ciidanka Soomaalida.

War-murtiyeed ka soo baxay shir ay yeesheen xubnaha Golaha Amaanka iyo Nabadgaliyada Midawga Afrika ayaa waxaa sidoo kale lagu aqbalay soojeedin Soomaaliya ka timid oo ahayd in la kala qeybiyo wejiga saddexaad ee hawsha dhimista ciidamada ATMIS oo kutalogalkeedu uu yahay 2 kun askari oo dhammaadka June baxaysa, iyo 2 kun kale oo dhammaadka September noqonaysa.

Warka ayaa waxaa lagu ammaanay dadaalka ay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xukuumaddiisa ku bixinayaan dhinacyada kala duwan ee hawlaha dawlad-dhiska Soomaaliya, iyadoo saaxiibbada caalamkana loogu baaqay in ay joogteeyaan taageerada ay ku bixinayaan ka-miro-dhalinta dadaalladan.

Waxyaabaha lagu ammaanay dawladda Soomaaliya waxa lagu sheegay inay ka mid yihin horumarrada laga gaaray qorshayaasha amniga, joogteynta shirarka Golaha Wada-tashiga Qaran, la-dagaalanka argagaxisada iyo weliba u-diyaar-garowga la-wareegista amniga dalka ka dib marka ay baxaan ciidamada ATMIS.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link