Ibraahim Sheekh Aadan & hubbkiisa oo isku soo dhiibay ciidanka XDS (Sawirro)

Posted on

Ibraahim Sheekh Aadan oo 16 sano ka tirsanaa Kooxda Al-shabaab ayaa maanta isku soo dhiibay ciidamada ammaanka degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Waxa uu ka waramay sababta uu al shabaab uga soo haray, isagoo sheegay in nolol liidata ay duurka ku heysato xubnaha ku haray kooxdaas,

Waxaa uu sheegay inuu muddo dheer ku haminayey sidii uu mar uga soo fakan lahaa kooxdaas ugu dambeyna ay maanta u suuragashay.

Ibraahim ayaa ugu baaqay saaxiibadiisa ay kuwada jireen safka inay iskaga soo baxaan, kana daayaan dhibta Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxaba ka galabsan sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa si kordhaya dagaalyahanada ka tirsan Al shabaab ee isku soo dhiibaya ciidamada DF iyo kuwa dowlad goboleedyada ka dib markii kooxda gacanteeda laga saaray dhul baaxad leh oo ay ka joogeen bartamaha Somalia.

Source link