Madaxweyne Biixi oo kormeer ku tagay Dhismaha Cusub ee Madxafka Qaranka (Sawirro)

Posted on

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeer shaqo ku tegay dhismaha cusub ee loo bineeyey madxafka Qaranka oo dhismihiisu gunaanad ku dhaw yahay.

Madaxweynaha waxa halkaa ku qaabilay Agaasimaha guud ee madaxtooyada, mudane Maxamed Cali Bile oo madxafka dhismihiisa loo xilsaaray, waxana uu madaxweynaha uga warbixiyey heerka dhismaha madxafku marayo iyo qaybaha uu ka kooban yahay.

Muuse Biixi Cabdi ayaana booqday dhammaanba qaybaha kala duwan ee madxafku ka kooban yahay oo haatan heer gebogebo ah maraya, dhawaana xadhiga laga jari doono madxafka .

Sidoo kale Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa agaasimaha uga mahadnaqay dedaalka uu geliyey sidii dhismaha madxafka qaranku u hirgeli lahaa, una noqon lahaa dhaxal taariikhda gala.

Waxaana Madaxweynaha kormeerka uu ku tagay dhismaha madxafka Qaranka ku wehelinaayey masuuliyiin kala duwan oo isugu jira Wasiiro, Taliyeyaal, Maayarka Caasimada, Gudoomiyaha Gobolka iyo siyaasiyiin kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link