Taliye Ciidan iyo Guddoomiye hore oo qarax lagu dilay iyo Madaxweyne ka hadlay

Posted on




Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta kooxda Al Shabaab qarax xooggan ku dishay saraakiil katirsan milatariga Soomaaliya, maamulka Koonfur Galbeed iyo mauuliyiin kale.

Qaraxa Al Shabaab ayaa lagu dilay fulisay taliyihii Guutada 8-aad ciidanka xooga dalka Gaashanle Maxamed Dheere ,gudoomiyihii hore degmada Diinsoor  Abdisalaan Xaaji Siidow iyo askar kale oo la socotay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Laftagareen ayaana ka tacsiyadeeyay geerida ku timid taliye Maxamed Dheere iyo xubnihii kale ee la socday ee maanta lagu dilay qarax ka dhacay deegaan katirsan gobolka Baay.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Rajicuun waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Taliyihii guutada 8-aad Qeybta 60-aad CXD iyo Saraakiil oo shahiiday iyagoo ku jira hawl-gal lagu beegsanayey kooxaha Khawaarijta ah” ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.

Gaashanle Maxamed Dheere ayaa ahaa sarkaal kaalin mug leh ku lahaa xaqiijinta ammaanka dalka gaar ahaan deegannada Koonfur Galbeed iyo la dagaallanka Al Shabaab, waxaana lagu Xasuustaa Howlgaladii lagu jabiyey Al Shabaab ee uu Hogaamiyey.




Source link