Xuutiyiinta Yemen oo weerar culus ku qaaday Markabka M/V Verbena iyo Khasaaro ka dhashay

Posted on

Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaallanta dalka Yemen ayaa weerar ku qaaday maraakiib xamuul siday oo marayay gacanka cadmeed, waxa uuna weerarkan sii kordhiyay walaaca laga muujinayo weerarada Xuutiyiinta .

Xuuthiyiinta Yemen ayaa laba gantaal oo kuwa lidka maraakiibta ah (ASCM) ku riday gacanka cadmeed, kuwaas oo ku dhuftay markab xamuul oo ka babanayay calanka  Palauan

Markabkan ayaa la sheegay laga leeyahay dalka Ukraine, waxaana maamusho shirkad xarunteedu tahay dalka Poland, waxaana markabkan  M/V Verbena la sheegay in uu ku sii jeeday dalka Talyaaniga isagoo sida alwaaxda dhismaha.

Weerarka markabka ayaa sababay dab qabsaday qeybo kamid ah markabka, kaasoo hadda gubanaya,waxaana jira khasaaro soo gaaray mid kamid ah badmaaxiinta la socday markabka la weeraray.

Mid ka mid ah badmaaxiinta rayidka ah ayaa si xun u dhaawacmay ka hor inta aysan diyaarad militariga Mareykan ah u daad gureyn badmaaxiinta dhaawacantay oo ay geysay markab ciidan si loo dabiibo.

Weerarada kooxda Xuutiyiinta ku qaadayaan maraakiibta isticmaasha gacanka cadmeed iyo badda cas ayaa sii kordhaya, waxaana weeraradan kordhinayeen walaaca laga qabo ammaanka dhinaca badda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link