Q/Midoobay oo ka digtay halis ka baxsan dagaalka oo ka taagan xaalada Gaza

Posted on

In ka badan 330,000 oo tan oo qashin ah ayaa ku ururay ama ku dhow meelaha ay dadku ku badan yihiin ee Gaza sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka qaxootiga Falastiin ee (UNRWA).

Qashinku wuxuu keenayaa khatarta deegaanka iyo masiibo caafimaad, Carruurtu waxay ku ridaan qashinka maalin kasta.” ayey tiri UNRWA.

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ku celisay baaqeeda xabbad-joojinta, iyadoo sheegtay inay muhiim u tahay dib u soo celinta xaaladaha nololeed ee bani’aadamka ee dhulka Falastiiniyiinta.

Hadalka UNRWA ayaa imaanaya maalin kadib markii madaxa gargaarka Qaramada Midoobay uu ka digay in in ka badan hal milyan oo Falastiiniyiin ah ay wajahi karaan macaluul bisha soo socota sababo la xiriira dagaalka Gaza .

Source link