Muxuu yahay Khilaafka culus ee ka dhex qarxay Sacuudiga iyo Imaaraadka?

Posted on

Muranka dhanka xuduudda ah ee u dhexeeya dalalka Sucuudiga iyo Imaaraatka Carabta, oo imika gaaray miiska Qaramada Midoobay, ayaa iftiimiyay wax lagu tilmaami karo “xifaaltan qarsoon” ama “muran ku saabsan hoggaanka gobolka” oo u dhexeeya labada waddan ee deriska ah ee Khaliijka tobankii sano ee la soo dhaafay.

Sida ku cad qoraallada iyo warqadaha loo diray Qaramada Midoobay ee labada dal waxaa muuqata in farqiga u dhexeeya labada dhinac iyo muranka soohdinta uu sii kordhay, waxana laga yaabaa in ay jiraan khilaafyo kale, taas oo keentay in la wajaho Qaramada Midoobay iyada oo ujeedadu tahay in la isku dayo “in la caddeeyo xuquuqaha madaxbannaanida, caalami ahaan,” sida ay qabaan falanqeeyayaasha.

Inkastoo khilaafkan iyo arrimo kale oo la xiriira khilaafka Sucuudiga iyo Imaaraatka, haddana dadka wax indha indheeya ayaa aaminsan inay weli jirto fursad wanaagsan oo lagu soo afjari karo farqigaas, xataa si ku meel gaar ah, iyadoo la og yahay inay jiraan dano guud oo ka miisaan culus qodobbada ay isku maandhaafsan yihiin labada dhinac.

Si dhif iyo naadir ah ayaa labadii bilood ee la soo dhaafay, muranka xuduudda Sacuudiga iyo Imaaraatka ee ku aadan deegaanka “Al Yasat” uu u soo shaac baxay kadib warqad ay dowladda Sacuudiga u dirtay 18-kii bishii March Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay taa oo ku saabsaneed ku dhawaaqista Imaaraatka Carabta. “Al Yasat” oo ah meel Imaaraatka laga ilaaliyo baddeeda.

Waraaqadan, ayaa Riyad waxay ku tilmaamtay in ku dhawaaqista Imaaraadka ay ka soo horjeedo shuruucda caalamiga ah iyo in aanay tixgelin ama aqoonsanayn wax kasta oo sharci ah oo ay ku yeelanayso goobtaasi.

Imaaraatka Carabta ayaa fariin cad kaga jawaabtay 16-kii May in “Al Yasat” ay ku taallo dhul badeedkeeda.

Source link