Masuuliyiin katirsan Jubbaland oo booqday deegaan Al Shabaab laga saaray (Sawirro)

Posted on




Madaxweyne ku xigeenka labaad ee maamulka Jubaland Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa maanta booqday deegaanadii u danbeeyay ee degmada Badhaadhe ee laga xoreeyay Al Shabaab.

Madaxweyne ku xigeenka oo ay wafdigiisa kamid ahayeen masuuliyiin katirsan golayaasha kala duwan ee maamulka ayaa goob fagaare ah oo ku taala deegaanka BuuloXaaji kula hadlay dadweynaha deegaanka.

Waxaa Madaxweyne ku xageenku uu uga mahad celiyay dadka deegaanka sida ay usoo dhaweeyeen ciidamada geesiyada ah, isla markana ay diyaarka ugu yihiin inay ku noolaadan nolol bilaa cabsi ah kadib markii deegaankan laga saaray Khawaariijta mudada dheer guumaysiga ku haysay dadka deegaanka.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa ballanqaaday in hay’adaha kala duwan ee maamulka ay sida ugu dhakhsiyaha badan uga howlgali doonaan sidii loo hirgalin lahaa goobo loogu adeego dadka deegaanka gaar ahaan Caafimaadka, Waxbarashada iyo biyaha.

Ugu danbayn Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka ku nool goobaha wali ciidamadu ay ku wajahan yihiin inay u diyaar garoobaan soo dhawaynta wiilashooda nafta u huraya sidii nabad iyo cabsi la’aan ay ugu noolaan lahayeen.




Source link