Madaxweyne Laftagareen oo kulan xasaasi ah la qaatay Saraakiil Itoobiyaan ah (Sawirro)

Posted on




Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta kulan looga hadlayey amniga guud ee deegannada Koonfur Galbeed la qaatay saraakiisha ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah Howlgalka ATMIS.

Laftagareen ayaana kala hadlay saraakiisha ciidamada Itoobiya uu kulanka la qaatay sidii loo xoojin lahaa ammaanka magaalada Baydhabo iyo sidoo kale deegaannada kale ay joogaan ciidamada Itoobiya.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaana uga mahadceliyay saraakiisha ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Itoobiya doorka ay ka qaateen ammaanka deegaannada Koonfur Galbeed iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Soomaaliya codsatay in dalka laga saaro ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta ee ATMIS, maadaamna meeshii ugu xumeyd uu hadda marayo xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaana kasoo horjeestay qorshaha dowladda Soomaaliya ku dooneyso in ciidamada ATMIS looga saaro dalka , gaar ahaa deegaannada maamulkooda ka taliyo, iyagoona taageeray joogista ciidanka Itoobiya ee dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com




Source link