Mareykanka oo bur buriyay Diyaarado Drone ah iyo gantaalo weeraro loo adeegsan jiray

Posted on

Ciidamada Maraykanka ayaa gudaha Yemen ku burburiyey afar diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn iyo laba gantaal oo an nooca loo adeegsado weerarada maraakiibta. Goobta lagu burburiyey saanaddan milateri ayaa ka mida, deegaanada gacanta ugu jira kooxda Xuutiyiinta Yemen ee gacan saarka la leh Iran.

Xuutiyiinta ayaa beryahan ugu dambeeyeyba bartilmaameedsanayey gaadiidka badda ee maraya marin biyoodka badda cas iyo gacanka cadmeed, tan iyo wixii ka dambeeyey bishii November ee sannadkii hore, iyaga oo sheegay inay weeraradan ay garab istaag ugu muujinayaan Falastiiniyiinta Qaza.

Weerarada Xuutiyiinta ayaa halis weyn ku keenay ammaanka marin biyoodkan caalamiga ah, waxaana taasi ay keentay in Maraykanka iyo Ingiriisku inay qaadaan weeraro dhinaca cirka ah oo ka dhan ah Xuutiyiinta.

Taliska ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in Xuutiyiintu ay illaa afar gantaal oo nooca balastiga ah inay ku rideen dhinaca badda cas, afar iyo labaatankii saacadood ee ugu dambeeyey, hase ahaatee aanay wax khasaare ah keenin.

Weerarada Xuutiyiinta ayaa sare u qaaday qiimaha caymiska ee gaadiidka badda, taasoo qaarkood ku kelliftay inay isticmaalaan marino aad u dhaadheer, si ay uga wareegaan marinbiyoodka badda cas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link