Dagaalyahano ka tirsan RSF oo 150 qof ku xasuuqay dalka Sudan (Sawirro)

Posted on

Ugu yaraan 150 qof ayaa ku dhintay 200 oo kalena way ku dhaawacmeen weerar ay xoogaga fallaagada ah ku qaadeen dalka Suudaan, mas’uuliyiin maxalli ah iyo goob joogayaal ayaa sheegay in uu dhacay xasuuqii ugu dambeeyay ee dagaalka muddada sanadka ah oo ay ku barakaceen in ka badan 7 milyan oo qof.

Dad goob joogayaal ah ayaa CNN u sheegay Khamiistii sida dagaalyahano ka tirsan ciidamada militariga ee Rapid Support Forces (RSF) ay ku soo degeen tuulada Wad al-Nour ee bartamaha gobolka Al-Jazira Arbacadii.

Waxay ku tilmaameen muuqaalo argagax iyo xasuuq ah in ka badan 40 baabuur oo hubaysan ay soo galeen tuulada, iyagoo hub culus ku furay dadkii deganaa, dhimasho iyo dhaawac ayaa u badan rayid, oo ay ku jiraan carruur iyo haween.

Dagaalka ayaa weli ka socda meel dhowr kiilo mitir u jirta, iyadoo dadka tuulada oo aad u argagaxsan ay ka baqayaan in uu dagaal kale dhaco, ayuu yiri goobjoogaha.

Goob-jooge kale ayaa ka warbixiyay hawsha argagaxa leh ee tirinta dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay. “Ilaa hadda, waxaan in ka badan 120 qof ku aasnay ​​xabaal wadareed ku yaalla bartamaha tuulada,” ayuu yiri.

Muuqaalo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya dad badan oo ku sugan tuulada Wad Al-Noura oo ku hareeraysan tobanaan meydad ah oo loo diyaarinayo in la aaso.

Muuqaal kale ayaa la sheegay in uu muujinayo Maleeshiyada RSF oo hubka culculus tuulada la dhexmaraya

Ciidamada Suudaan iyo kuwa RSF labaduba waxay la kulmeen eedeymo hagar la’aan ah oo ku saabsan xasuuqa rayidka tan iyo markii uu dagaalka sokeeye qarxay Abriil 2023.

RSF ayaa bayaan ay soo saartay Arbacadii ku qiratay weerarka waxayna sheegtay in uu ahaa weerar horudhac ah oo lagu qaaday ciidamada qalabka sida ee Suudaan xerooyinka ay ku leeyihiin Wad Al-Nura kaasoo ay uga jawaabayeen weerar qorsheysan oo ay ciidamadu qaadeen. Ma aysan qiran dhimashada dadka rayidka ah ee la sheegay, mana jiraan cadeymo muujinaya in dadka la laayey ay ciidan ahaayeen.

Sida laga soo xigtay RSF-ta, sideed ka mid ah dagaalyahanadooda ayaa la dilay, kuwa kalena waa la dhaawacay, waxaana intii uu socday howlgalka ay ku qabsadeen gaadiid, hub iyo agab ciidan.

Si kastaba ha ahaatee, goob joogayaal ayaa sheegay in aysan jirin wax ciidan ah oo ku sugan tuuladaasi, iyagoo intaa ku daray in ciidamada Sudan ay ka howlgalaan saldhig ciidan oo qiyaastii 30 KM dhanka Koonfur-galbeed kaga beegan Wad Al-Nura, taasoo lagu macneeyay inay tahay sababta weerarka.

Tuulada Wad al-Nour ayaa qiyaastii 160 kiiloo mitir dhanka koonfureed kaga beegan caasimadda Suudaan ee Khartoum, waxayna hadda noqotay xudunta u dambaysay ee rabshadaha ka dhacaya dal ay colaado gudaha ahi halakeeyeen.

Tuuladan ayaa muddo dheer bartilmaameed istaraatiiji ah u ahayd RSF-ta, marka loo eego halka ay ku dhowdahay ee Al-Manaaqil oo ciidammada Suudaan ay ku sugan yihiin gobolka Al-Jaziira oo keliya.

Tani ma ahayn isku daygii ugu horreeyay ee ay RSF ku doonayso inay ku maamusho Wad al-Nura, iyagoo dhowr jeer isku dayay inay qabsadaan tuulada.

Kumanaan qof ayaa ku dhintay tan iyo markii uu qarxay dagaalka u dhexeeya ciidamada daacada u ah laba jeneraal oo iska soo horjeeda – taliyaha ciidamada Abdel Fattah al-Burhan, hogaamiyaha SAF, iyo General Mohamed Hamdan Dagalo, madaxa RSF.

Tan iyo markii uu dagaalku billowday, ciidamada Suudaan iyo kuwa RSF labaduba waxay la kulmeen eedeymo xunxun oo ku saabsan xasuuqa rayidka.

Bishii Maarso, dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in in ka badan 700 oo qof, oo ay ku jiraan tobanaan carruur ah, ay si qasab ah gobolka uga qorteen kooxda malleeshiyada ka dib markii lagu amray inay “qortaan ciidanka ama la dilayo inkastoo RSF ay beenisay arrintaas.

 

Source link