Danjire Danjire Cali Cabdi Awaare oo lagu soo dhaweeyay xarunta Jaamacadda Carabta (Sawirro)

Posted on




Xogheyaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Aboul Gheit ayaa Xarunta Jaamacadda Carabta ku soo dhoweeyey Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtada ah ee ururka jaamacadda Carabta Danjire Cali Cabdi Awaare.

Xogheyaha guud ee Jaamacadda Carabta ayaa Safiir Cali si rasmi ah uga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay danjiraha xarunta Jaamacadda Carabta.

Danjire Awaare ayaa uga Mahadceliyay Ururka Jaamacadda Carabta kaalinta wax ku oolka ah ee uu markasta ka qaato dawlad dhiska Soomaaliya, iyo muhiimadda ay leedahay sidii loo laba jibaari lahaa xiriirka iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa dawladda Soomaaliya iyo Ururka Jaamacadda Carabta wuxuuna xaqiijiyay iney ka go’an tahay soo celinta.

Sidoo kale waxaa soo dhaweynta Danjire awaare ka qeyb galay Danjiraha dalka Mauritania oo doorkaan ah shir guddoonka golaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta ee xaruntiisa tahay magaalada Qaahira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com




Source link