Ruushka oo qalab milatari oo casri ah ku taageeraya mid kamid ah dalalka Afrika

Posted on

Dowladda uushka ayaa dooneysa in ay kordhiso saameynta uu ku yeelaneyso qaar kamid ah waddamada Afrika, si ay awoodda dalkaasi ugu baaho waddamo badan oo horey xiriir ula lahaa dalalka reer Galbeedka.

Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa booqasgo ku mara waddamo kuyaalla galbeedka iyo bartamaha Afrika, waxa uuna wasiirka la kulmayaa madaxda dalkaasi uu kala hadlayo xoojinta xiriirka Ruusha kala dhaxeeyo.

Sergei Lavrov, oo ku sugan dalka Burkina Faso ayaa sheegay in dalkaasi u dirayaan kuna taageerayaan qalab milatari oo casri ah, si ay ugu adeegsadaan dagaalka ay kula jiraan kooxaha argagaxisada ah,.

Wasiirka Arrimaha Dubadda Ruushka ayaa sidoo kale sheegay in sare loo qaadayo xiriirka ka dhaxeeya Ruushka iyo Burkina Faso, waxa uuna xusay in ay dalkan ku taageerayaan hub iyo tababarayaaal ciidan.

Dalka Burkina Faso oo dhowr mar ka dhaceen afgambi ay tala kula waeeeeen milatari ayaa hadda xiriir dhaw la leh dowladda  Ruushka, oo doonaysa in ay kordhiyaan saameynta ay ku yeelanaan dalalka kuyaalla Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link