Xogta kulan Aadan Madoobe la qaatay wafdi ka socda dowlada Ciraaq (Sawirro)

Posted on




Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminaayo Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka dalka Ciraaq, ahna Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalkaas Sheekh Cabdul Hadi Al-Hazanawi.

Guddoomiyaha iyo wafdiga ka socda Ciraaq ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq, gaar ahaan iskaashiga baarlamaanada labada wadan.

Sidoo kale Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka Ciraaq ayaa ka wada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa howsha guddiyada saaxiibtinimada ee baarlamaanada labada dal.




Source link