Taliyaha Booliska Puntland oo war ka soo saaray dagaalkii ka dhacay Boosaaso

Posted on




Taliyaha Booliska Puntland ayaa ka hadlay iska horimaad maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari kaasoo dhexmaray ciidanka Booliska iyo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PSF.

Shir jaraaid oo uu ku qabtay magaalada Garowe ayuu taliyuhu sheegay in ciidamo ka tirsan PSF ay weerar ku soo qaadeen saldhiga Booliska Boosaaso ayna halkaas kala baxeen rag uu ku tilmaamay oo lagu soo xiray saldhigaas, ayna dhaawaceen labo askari.

Waxaa uu sheegay in ragga xirnaa la soo qabtay iyagoo falal amni daro gacmaha kula jira wuxuuna xusay in falal noocan ah aan la aqbali karin, isagoo maamulka iyo qeybaha bulshada ugu baaqay iney wax ka qabtaan.

Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku dhaawacmay iska hor-imaad hubaysan oo maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Wararka ayaa sheegaya in isku dhaca labada ciidan uu salka ku hayo muran ka dhashay rag ka tirsan PSF oo lagu soo xiray saldhiga bartamaha ee Boosaaso. Ciidanka PSF weli kama hadlin dhacdadaasi.

HOOS KA DAAWO HADALKA TALIYAHA




Source link