Abuu Mansuur oo ka hadlay lacag Malaayiin Dollar ah oo lagu eedeeyay in uu xaday

Posted on

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur ), ayaa kulan la qaatay madaxda sannadkan u adeegaysa xujayda Soomaaliyeed.

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in shaqada qaadista xujeyda iyo adeegga loo sameenayo uu sannadkan aad u wannaagsan yahay, waxa uuna xubnaha uu la kulmay kula dardaarmay in ay si fiican ugu shaqeeyaan xujeyda.

Wasiir Abuu Mansuur ayaa dhanka kale beeniyay in lacag ka badan 10-milyan dollar uu ka dhacay adeegga xajka, waxa uuna xusay in aysan jirin wax lacag ah uu isagu qaatay amaba xitaa lagu qaatay shaqada adeegga xajka ee dadka kale wadaan.

”Nin culumo ah oo kamid ah dadka sida weyn loo yaqaan ayaa isoo wacay, waxa uu igu dhahay waxaan hubaa in aad dhacday dhowr iyo toban milyan dollar, waxaan iri saas maahan , waxa uu igu celiyay haddii kale waxaad tahay nin aan waxba la socon oo gacantaada wax lagu cunay, haddana waxaan iri waan hubaa iyadana waxba laguma cunin oo aney igu taalaa gacanteeda ayaan ku iri ” ayaa iri ayuu yiri Wasiirka Diinta iyo Owqaafta.

Abuu Mansuur ayaa sidoo kale sheegay in shaqada xajka ay umadda u hayaan ay tahay howl imtixaan ah, waxa uuna intaa ku daray intii uu isagu joogay ka shaqeeyeen sidii loo dhimi lahaa qarashaadkii badnaa ee laga qaadi jiray xujeyuda Soomaaliyeed.

“Ilaahay subxaana watacaalaa ayaan ugu mahad celinayaa shaqadaan nagu imtaxaanay naguna asturay, intii aan joogay labadii sano lacagta Xajka inaan wax ka dhinno maahee waxba laguma darin taasna Allaah ayaa ku mahadsan”. ayuu yiri Abuu Mansuur.

Hadalka Abuu Mansuur Roonbow ayaa kusoo aadaya xilli marar badan lagu eedeeyay isaga iyo dadka kale ee arrimaha xajka kala shaqeeya in ay lunsadeen lacago badan oo kasoo xarooday adeegga xajka ay dadka Soomaaliyeed u hayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Source link