Safiir u dhashay dalka Ingiriiska oo shaqada laga joojiyay kaddib markii uu qoray ku taagay …

Posted on

Safiirkii dalka Ingiriiska u joogay dalka Maxcio John Benjamin , ayaa shaqada laga joojiyay, kaddib markii lagu eedeeyay in uu qoray ku taagay  mid ka mid ah shaqaalaha safaaradda oo kasoo jeeday dalka Maxcio.

Warbaahinta Financial Times ayaa baahisay muuqaalka safiirka oo qoray ku taagaya mid kamid ah shaqaalaha safaaradda, waxaana muuqaalka ku hoos qornaa “dilalka joogta ee ay geysanayaan kuwa maandooriyaha ka ganacsada”.

Diblumaasigan shaqada laga joojiyay ayaan ilaa hadda ka hadlin dhacdadan kaftan ahaa ee dhibka u keenay, waxaana bogga wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska laga saaray in John Benjamin uu yahay safiir.

Afhayeen u hadlay wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Ingiriiska ayaa sheegay in dhacdadan ay ka war hayaan, waxa uuna intaa ku daray in la qaaday tallaabooyin ku haboon danjiraha kaddib markii dhacdadaasi ay dhacday.

Diblumaasigan u dhashay dalka Ingiriiska ee shaqada looga joojiyay qorayga uu ku taagay qofka shaqaalaha ah ayaa horey safiir uga soo noqday dalalka Ghana iyo sidoo kale Chile oo ku kala yaalla Afrika iyo Latin Amerika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link