Lamaane faqiir ahaa oo hal maalin ku taajiray iyo sida nasiibka u saaciday !(Sawirro)

Posted on

Lamaane u dhashay dalka Mareykanka ayaa si lama filaan ah u helay lacag aad u badan , xilli ay lamaanahaan ku jireen jilaabashada biro ay ka dhax raadinayeen haro weyn oo kutaalla magaalada New Yourk.

James Kane iyo Barbie Agostini ayaa haro ay ka jilaabanayeen biro waxa ay ka dhax heleen sanduuq yar ay ku jirto lacag gaareysa boqol kun oo dollar, waxa ayna lamaanahan xilli ay filayeen in biro helaan badalkeeda heleen lacag.

Lamaanahan waxay xarig ku xireen birlab ama birqabato , ka dibna waxay ku tureen harada Corona Park si ay ugu soo qabato biro, balse waxay u soo qabatay santuuq yar oo qafilan, kaas oo ay ku jirto lacag isku xiran.

Wareysi ay bixiyeen lamaanahan ayey ku sheegeen in lama filaan ku noqotay markii ay lacagta heleen, waxa ayna xuseen in marnaba aysan fileyn in lacag iyo wax lamid ah haradaasi ka helaan.

Lamaanahan ayaana marii lacagta heleen kaddib si aan loogu qabsan waxa ay geeyeen saldhig booliis, hasa ahaatee booliiska ayaa baaritaanno kaddib dib ugu celiyay lacagta ,iyaga oo sheegay in aysan jirin kiis lacagtaan la xariira oo horey usoo gaaray.

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaana ku tilmaamay lamaanahan kuwa aad u nasiib badan, waxa ayna lamaanayaashan sheegeen in horey marar badan harada uga heleen alaabo kala duwan ay ku jiraan kuqa qarniyo kahor aasnaa iyo kuwa duugoobay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link