Wasiirro ku hanjabay in ay bur burin doonaan Xukuumadda Isreal haddii Netanyahu aqbalo …

Posted on

Wasiirro mayal-adag oo katirsan xukuumadda Israel ayaa ku hanjabay in ay ka bixi doonaan ayna bur burin doonaan isbaheysiga talada haya, haddii Ra’isul Wasaare Binjamin Netanyahu uu aqbalo xabbad-joojinta uu ku dhawaaqay Madaxweyne Biden.

Wasiirka maaliyadda Bezalel Smotrich iyo wasiirka amniga qaranka Itamar Ben-Gvir, ayaa si cad u sheegay in ay kasoo horjeedaan heshiis xabbad-joojin ah oo lala galo Xamaas, waxa ayna xuseen in heshiiska ka horreeyo in marka hore la bur buriyo Xamaas.

Waxa ayna wasiiraddan uga digeen Ra’isul Wasaaraha Israel in uu aqbalo hindisaha xabbad-joojinta uu soo jeediyay Madaxweynaha dalka Mareykanka, waxa ayna sheegeen in haddii uu aqbalo qorshahan Ra’isul Wasaaraha ay kahor imaan doonaan.

Wasiirka Maaliyadda Israel ayaa u sheegay Ra’isul Wasaaraha in aanu kasii mid  ahaan doonin xukuumadiisa, hadii dawladdu ogolaato qorshaha la soo jeediyay ee soo afjaraya dagaalka, iyada oo aan la burburin Xamaas oo aan soo celin dhammaan la haystayaashii .

Ra’isul Wasaaraha Israel oo cadaadis xooggan kala kulmaya Madaxweynaha Mareykanka ayaa dhankiisa aqbalay heshiiska xabbad-joojinta, waxa uuna sheegay in aysan jiri doonin xabbad-joojin joogta ah ilaa laga bur buriyo awoodda Xamaas lana daayo dadka ay heestaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link