Israa’iil oo ugu dambeyn aqbashay heshiiska lagu soo afjarayo dagaalka Gaza

Posted on




Kaaliyaha Ra’iisul Wasaarha Israel Benjamin Netanyahu ayaa maanta oo Axad ah xaqiijiyay in Israa’iil ay aqbashay heshiis guud oo lagu joojinayo dagaalka Gaza.

Heshiiskan ayaa waxaa soo bandhigay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, iyadoo kooxda Xamaas ay horey u soo dhoweysay heshiiskan oo ka kooban saddex waji oo lagu soo afjarayo dagaalka Gaza.

Hase ahaatee Kaaliyaha ayaa ku tilmaamay heshiiskan mid qabyo ah oo dhamaystir u baahan.

Aqbalaada Israel  ee heshiiskan ayaa la sheegay iney timid ka gadaal cadaadis xooggan oo kaga yimid dalalka Mareykanka iyo reer galbeedka oo weji gabax iyo ceeb kala kulmay taageerada Israel markii ay ku kacday xasuuq ay ka geysatay Gaza.

Israel ayaa sheegtay iney dagaalka Gaza u gashay xaqiijinta labo hadaf oo kala ah iney baabi’iso Xamaas iyo sii deynta la heystayaasha hase ahaatee 7 bilood oo dagaal ahka dib labadaas hadaf midkoodna kuma guuleysan, waxayna arrintaas niyad jab ku riday dowladihii taageerayey oo u arkay in natiijada ka dhalatay dagaalkaas ay tahay oo kaliya xasuuq lagu laayey 36 kun oo Falastiiniyiin ah.




Source link