Agaasime Sambaloolshe oo dibeda ugu ambabaxay safarkii ugu horeeyey

Posted on

Agaasimaha Heyadda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka NISA C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa safarkiisa u horreeyay oo dibadda ah tan iyo markii loo magacaabay xilka waxaa uu ku tagay Imaaraadka Carabta.

Socdaalka Sanbaloolshe ayaa ku soo aaday, iyadoo xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka uu bilihii la soo dhaafay mugdi galay, isla markaana Imaaraadku joojiyey mushaarkii iyo agabkii kale ee ay ciidanka siin jireen.

Horraantii sanadkan ayay aheyd markii Muqdisho lagu dilay Saraakiil u dhalatay Imaaraadka oo ahaa saraakiishii qaabilsaneyd howlgalka tababarka ciidamada Soomaaliya.

Lama oga ujeedka agaasime C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe uu u booqanayo dalka Imaaraadka iyo waxaa uu kala hadlayo madaxda dalkaas, dowladana wax faahfaahina kama bixin safarkiisa.

Source link