(Sawirro) Dowlada Somalia oo ka farxisay dhalinyaro ku rafaadsan dalka Liibiya

Posted on

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 11-ka bishan June 2024 dalka dib ugu soo celin-doonto 15 kamid dhalinyaro ku dhibaateysan dalka Liibiya, iyadoo loo diyaariyey tikidhadooda iyo waraaqihii socdaalka ay dalka ugu soo noqon lahaayeen, kuwaas oo ka-dagi doona magaalada Hargeysa ee gobolka Waqooyi galbeed ee Soomaaliya.

Sidoo kale 25 dhalinyaro kale oo Soomaaliyeed ayaa xiga doono in dalka dib loogu soo celiyo dhawaan, kuwaasoo iyagana ka dagi doono magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud ayaa magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya kula kulmay koox dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo go’aansaday inay dalkooda hooyo ku soo laabtaan ka dib markii dhibaatooyin badan la kulmeen xilli ay doonayeen inay ka sii tahriibaan wadankaas.

Wasiirka ayaa ku wargeliyay dhallinyaradaan in 15 ka mid ah ay diyaar yihiin Tikidhadooda iyo waraaqihii socdaalka ay ku noqon lahaayeen oo 11-ka bishan June ay ka degi doonaan magaalada Hargeysa, halka 25 kale oo iyaguna is diiwaan geliyeen inay ka degaan magaalada Muqdisho, kuwaas oo loo soo dhamaystiri doono documents-ka socdaalka inta aysan bishan June dhammaan.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa ku booriyay dhallinyaradan go’aanka geesinimada leh qaatay, isagoo ugu baaqay dhallinyarada kale ee faraha badan ee Tripoli jooga inay sidaas oo kale sameeyaan.

Wasiirka ayaa la wadaagay dhallinyarada horumarka la tiigsanayo sanadaha soo socda iyo maalgashiga caalamiga ah oo sahlaya shaqo abuur xooggan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirto sidii dhamaan kuwa ku dhibaateysan dalka Liibiya loogu soo celin lahaa dalka, iyadoo dhoor jeer sidan oo kale dalka loogu soo celiyay kuwa badan oo halkaas muddo ku Xayirnaa.

Source link