Saciid Ciise: “Sharciga Doorashooyinka Qaranka mugdi badan ayaa ku jira”

Posted on

Sharciga Doorashooyinka Qaranka Wuxuu Ansixinayaa Doorashooyin Ay Mugdi Badan Ku Hareereeysan Yihiin

Waxey fahamdaro ka muuqataa sharcigan doorashada oo jacbur isugu keenaya nidaamyo aan is qaadan karin oo xeerarkiisa qodobo ka mida laga soo minguuriyey dhaqan kelitalisnimo Mileteri iyo mid laga soo minguuriyey dowladihii rayidka ee lixdameedyadii oo ku dhisnaa hanaan baarlamaan, balse lagu soo kordhiyey in xisbiyada ka qeybgelaya ay xadidan yihiin, waxaana muuqata in dayacaada ugu weyn ay ka muuqto qaabka loo marayo doorashooyinka in loo qabto, hanaankaas oo saameynaya dhismaha iyo qaabka awooda fulinta hayada fulinta dowladdu ay ku imaaneyso ama nuuca ay noqoneyso hogaaminta xukuumada iyo dalka oo ay doorashadu horseedeyso, taas oo looga baahan yahay iney ama si buuxda u taageerto hanaank baarlamaanka oo horay dalku ugu soo jirey oo aan xisbiyo xadidan lahayn ama hanaanka madaxweynaha oo hadda uu dalku hiigsiga ugu jiro oo leh xisbiyo kooban.

Waxaan maangal noqon karin sida ay iskula jaanqaadayaan Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo habraaciisu inta badan waafaqsan yahay qabashada doorashooyinka nidaam ahaan raacsan hanaanka baarlamaniga, taas oo meel ka dhac ku ah balanqaadyadii ay dadweynaha u sameeyeen madaxweynaha iyo raisulwasaaraha Soomaaliya oo ahaa qabashada doorasho qof iyo cod ah oo toos loogu soo dooranayo madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo noqonaya raisulwasaare uu madaxweynuhu soo doorto, kaas oo waafaqsan qabsoomida doorashooyin raacsan nidaamka madaxweynaha, haddiise ay dhacdo sida kale, waxaa guuleysanaya mucaaradka qorshahoodu ahaa doorashooyinkii musuqmasuqa in dib loogu noqdo Teendhada Afisyooni, taas oo ka dhigeysa hal bacaad lagu lisay dadaaladii ay wadeen madaxweynaha iyo raisulwasaaraha oo mudo xileedkooda ku soo xiraya fashil ku yimaada siyaasadahooda arrimaha gudaha oo waxqabasho la’aan ku soo dhamaada.

Haddii ay dhacdo in la raaco Sharciga Doorashooyinka Qaranka, dalku wuxuu yeelanayaa madaxweyne maqaarsaara iyo raisulwasaare awood badan, kaas oo ah habraaca doorashooyinka raacsan nidaamka ku dhisan hanaanka baarlamaanka, waxeyna qeybta fulinta dowladda iyo madaxtooyada ay sharci ahaantooda ka helayaan codka ogolaanshaha baarlamaanka oo ay si dadban u hoos imanayaan, madaxa dowladana oo ah raisulwasaaraha wuxuu noqonayaa hogaamiyaha waaxda fulinta dowladda, wuxuuna ka imaanaya xisbiga haysta aqlabiyada kuraasta baarlamaanka wax ka badan 50% ama xisbiyada sameysta isbaheysiga xildhibaanada baarlamaanka aqlabiyadooda, wuxuuna madaxweynahu noqonayaa xubin sharafeed ay xildhibaanada baarlamaanka ay u dooranayaan xubin ka mida xisbiga hela codadka ugu tirada badan, wuxuuna yeelanayaa awood xadidan oo ku siman korjoogteynta sharciga dalka u degsan, qaabilaada wufuuda caalamka, aqbalida iscasilaada raisulwasaaraha, iyo ogolaanshaha xil ku wareejinta raisulwasaaraha cusub.

Sida sharciga ah marka la raacayo qabashada doorashooyinka waafaqsan hanaanka baarlamaanka, dadweynuhu waxey u codeynayaan xisbiyo tiro badan oo ka kala turjumaya argtiyada kala duwan oo ay dadweynaha kala raacsan yihiin, taas oo ka duwan codeynta ay dadku sida tooska ah ugu codeynayaan madaxda ay dooranayaan, sida madaxweynaha, waxaana doorashada kadib xisbiga ku guuleysta tirada ugu badan kuraasta baarlamaanka oo ka kor mara 50% ama awooda inuu isbaheysi la sameysto xisbiyada kale ayaa soo magacaabaya raisulwasaaraha, waxeyna raisulwasaaraha iyo golahiisa wasiiradaba ay hoos imanayaan la xisaabtanka baarlamaanka, waxeyna dowladaas ay awoodeedu shaqeyneysaa inta ay heysato kalsoonida baarlamaanka oo ay taageersan yihiin tirada ugu badan ee xubnaha xildhibaanada baarlamaanka, balse haddii ay dhacdo in xukuumadu ay dhumiso codka kalsoonida baarlamaanka ama ay dhacdo iney ku guuldareysato iney gudbin weyso sharciyo muhiim ah, ayaa waxaa suurtogal ah ama in la aado doorasho cusub ama in lagu heshiiyo in xisbiyadu ay sameystaan isbaheysi kii hore ka duwan oo soo dhisa dowlad cusub oo aqlabiyad leh.

Haddii ay dhacdo in wax ka bedel lagu sameeyo Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo qaabka loo qabanayo doorashooyinka la waafajiyo nidaamka ku dhisan hanaanka madaxweynaha, waxaa suurtoobeysa in hayada fulinta dowladda ay noqoto mid si buuxda uga madaxbanaan ogolaanshaha codka kalsoonida ee hayadda sharci dejinta ama baarlamaanka, waxaana madaxa dalka iyo dowladaba isku ahaanaya madaxweynaha oo ay awoodiisu xooggan tahay, wuxuuna madaxweynuhu uu awooda sharciyadiisa uu ka helayaa kalsoonida uu ka haysto rabitaanka dadweynaha oo uga imaaneysa codka dadweynaha oo intooda badan ay si toosa ugu soo doorteen, waxeyna qabsoomida doorashadiisu noqoneysaa mid dhacda wakhti ka duwan marka ay dhacayaan doorashooyinka kale, waxeyna awooda madaxweynuhu u madaxbanaan tahay inuu golahiisa wasaarada ka soo xusho shaqsiyaadka uu rabo oo aan ka tirsaneyn golaha sharci dejinta ama hayadda garsoorka.

Qaabka ay u dhaceyso doorashadaan ayaa waxey salka ku haysaa in xisbiyo kooban loo qabanayo doorashooyin ay dadku si toosa ay ugu soo doortaan xildhibaanada, madaxweynaha, governatooraha maamul goboleedka, xubnaha golaha deegaanka, iyo gudoomiyeyaasha degmooyinka, waxeyna doorashadan uga duwan tahay mida hanaanka baarlamaanka oo xisbiyo badan keliya loo kala codeynayey, in ay tahay mid lagu dooranayo oo keliya shaqsiyaadka u kala tartamaya xilalka oo ka soo kala jeeda xisbiyo ama ah kuwo iskood u madaxbanaan oo aan xisbina ka tirsaneyn, waxaana sidaas lagu soo dooranayaa madaxweynaha dalka oo ah kan helaa tirada ugu badan ee codadka dadweynaha, waxaana hanaankan shardi u ah in doorashooyinku ay ka kala dhacaan dhamaan deegaan doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha lagu soo doortay hanaanka madaxweynaha wuxuu xilka haynayaa mudo xileed go’an iyo tiro go’an oo xeerka doorashada ku cayiman inta jeer oo uu u tartamayo xilka, waxeyna awoodiisu ay si toosa uga madaxbanaan tahay kalsooni ka raadinta la xisaabtanka baarlamaanka uu uga helayo isaga iyo golahiisa wasiirada, waxaana hayadaha baarlamaanka iyo garsoorka kala dhexeeya oo keliya ka wada shaqeynta isku dheelitirida awooda dowladda oo midba midka kale uu ku korjoogteynayo ilaalinta miisaanka awoodaha kala qeybsan ee saddexda waaxood ee dowladda iyo weliba sidii ay wadajir ugu wada shaqeyn lahayeen adeegyada ay u qabanayaan dowladda iyagoo kala madaxbanaan.

Intaas markaad si dhaba u fiirisid waxaa kuu soo baxaysa in Sharciga Doorashooyinka Qaranka uu yahay mid ka horimanaya hanaanka loo qabanayo doorashada soo socoda oo la qorsheynayo inuu noqdo mid ku dhacda qof iyo cod, haddana isla markaas aan cayimeynin taariikho go’an oo uu dalku gelayo doorasho, iyo weliba  hubanti la’aanta ka jirta inta jeer ee uu xildhibaan ama madaxweyne, ama xubin gole degaan ama governatoore ama gudoomiye degmo uu xilka u tartami karo, waxaana qalad weyn ah in madaxda xisbiyada awood loo siiyo in cida ay rabaan ay u soo magacaabanayaan kuraasta baarlamaanka ama doorashada ay noqoto hal deegaan doorasho, taas oo ka turmeysa dhaqan aan dimoqaradiyad ahayn, meesha taas bedelkeeda looga baahan yahay in dadku ay u codeeyaan shaqsiyaadka ka soo jeeda deegaanadooda oo ay kalsoonida ku qabaan, waxeyna taas ay kalifeysaa in deegaanada doorashada ay noqoto mid ka dhacda degmo kasta oo ka tirsan dalka.

Sharcigan wuxuu yahay wax aan la jaanqaadi karin nidaamka dimoqaradiyada, wuxuuna si kelitalisnimo leh uu gudiga madaxabanaan ee doorashooyinka uu awood xad dhaafa u siiyey meelmarinta qodobo ku saleysan sharciyo kelitalisnimo oo faraya waajibaadyo ay ku xeerbeegsanayaan doorashooyinka, kuwaas oo u muuqda kuwa xoriyada ka qaadaya doorashooyinka ama xanibaya xuquuqda musharixiinta oo lagu korjoogteynayo amaro aan munaasib u ahayn dhaqanka dimoqaradiyada, kuwaas oo xukun adag hoos gelinaya adeegsiga wadata caburinta lagu soo xirxirayo furfurnaanta xoriyada hadalka inta ay socoto doorashooyinka, sida xanibaada weerarada fikradaha oo wata xanaftooda iyo kicinta siyaasadeed oo waajib muqadasa ka dhigeysa in dadweynuhu ay dareemaan xamasad wadaniyad, mid hiilo fikradeed, iyo mid diidmo oo ay si qiireysan uga soo horjeedaan musharixiinta ay ku tuhmayaam musuqmaasuqa, xatooyada xoolaha dadweynaha, iyo kaaliyeyaasha u adeegaya danaha shisheeyaha, waxaana sharcigaas ka buuxa qodobo si daahsoon u ilaalinaya ineysan shacabku ogaan ceebaha musharixiinta qaar oo awood iyo saameyn ku leh dowladda ama bulshada caalamka, waxeyna taas ka hor degeysaa inaan si sareexaad leh la isugu mucaaradin ololaha doorashada musharixiinta.

Waxaa lagama maarmaan ah in shacabka loo sheego sababta hal tilaabo horay loogu qaadayo marka ay madaxdu balanqaadeyso horumarinta siyaasadda dalka, haddana laba tilaabo dib loogu qaadayo marka ay timaado qabashada doorashooyinka soo socda, waxaana xasuus mudan in aysan meesha ayasan ka marneyn tuhunka ay qabaan rayiga dadweynaha oo tilmaamaya in gacmo shisheeye, gaar ahaan UNka ay isbedel ku keeneyso go’aan qaadashada madaxda dowladda, taas oo ka dhigeysa in dalka dibeda laga hogaaminayo, haddana aysan talabixintooda aysan garab siineyn horumarinta siyaasadda dalka, balse ay u hiilineyso mucaaradka ay siyaasadahoodu bukaan oo ay heshiis kula yihiin tixgelin xumada ay u wada hayaan hogaanka dalka, wuxuuna qasadkoodu yahay in mashruucyo dib u soo celina lagala xaajoodo mucaaradka oo ay awood ku siineyso quud-dareyntooda, waxeyna taas ay wakhti dhumis ku noqoneysa mudo xileedka madaxda hadda xilka haya oo lagu mashquulinayo dibuheshiisiin aan dhab ahayn iyo khilaafka oo si laba kacleeya marka dhexdhexaadiyeyaal caalamiya ay soo dhexgalaan, hasayeeshee gunaanadka dulucdiisu waxey tahay in shacabku jawaab ka sugayaan madaxweynaha iyo raisulwasaaraha oo ah iney u cadeeyaan isbedelka ku yimid siyaasadahooda ku jiheysan qabsoomida doorashooyinka soo socda.


Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim)
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com

Source link