Maxay ka wada hadleen Xassan Shiikh iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka?

Posted on




Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud  oo khadka telephone-ka kula hadlay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Mareykanka, Antony Blinken, ayaa ka wadahadley xiriirka labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa wadahadalladooda diiradda ku saaray arrimo ay ka mid yihiin la-dagaalanka kooxaha loogu yeero argagixisada iyo qorshayaasha Dowladda Soomaaliya ee howgalka Midowga Afrika ee ATMIS marka uu dhammaado kadib.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sidoo kale isla soo hadal qaaday amniga iyo xasiloonida Geeska Afrika.

Madaxweynaha JFS iyo Antony Blinken ayaa ka hadlay doorka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), kaasoo dhawaan loo soo magacaabay wakiil KMG ah isagoo dhinaca kale ka mahad celiyey taageerada dhinac walba leh ee Mareykanku siiyo Somalia.

 




Source link