Saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka oo tababar loogu xiray Turkiga (Sawirro)

Posted on




Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa tababar aqoon kororsi ah loogu soo xiray dalka Turkiga.

Saraakiishan ayaa muddo halkaasi ku qaadanayay koorsooyin la xariira barashada qibradaha muhiimka u ah ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo dagaal kula jira Al shabaab.

Saraakiishan oo la filayo inay dhawaan dalka ku soo laabtaan ayaa la rajaynayaa in ay gacan wayn ka gaysan doonaan horumarinta howlgalada sifaynta ee ciidanka xoogga dalka wadaan ee ka dhanka ah Al shabaab iyo dhaman howl shaqeedyada kale ee ciidanka xoogga dalka Qaranka.

Turkiga ayaa ka mid ah dowladaha saaxiibka dhow la ah Soomaaliya ee ku howlan sidii ay gacan uga geysan dib u dhiska ciidanka xoogga dalka gaar ahaan dhinacyada tababarada iyo qalabeynta.




Source link