Inger Anderson oo DFS ku amaantay wax ka qabashada dhibaato Dalka taagan (Sawirro)

Posted on




Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta qaabilay agaasimaha barnaamijka Qarammada Midoobay ee Deegaanka (UNEP Excutive Director) Marwo Inger Anderson oo dalka ku timid booqasho shaqo.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka ayaa la wadaagay agaasinka, duruufta adag ee ay dalkeenna u keentay isbeddelka cimilada iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in wax laga qabto.

Marwo Andersen ayaa dhankeeda ku ammaantay dawladda ahmiyadda ay siinayso wax ka qabashada xaaladaha ay sababtay isbedelka cimiladu, iyadoo sheegtay in ay dhankooda diyaar u yihiin la shaqaynta Dawladda Soomaaliyeed.

Isbedelka cimilada ayaa saameyn badan ku yeeshay Soomaaliya qeybo kamid ah, waxa ayna dowladda Soomaaliya taageero u raadineysa asidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka ka dhashay isbedelka cimilada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com




Source link