Dal buufinno ay ku jiraan qashin iyo waxyaabo kale oo wasakhaysan u diray dal kale

Posted on




Kuuriyada Waqooyi ayaa dalka dariska la ah ee Kuuriyada Koonfureed ku daadisay ugu yaraan 260 buufin ah oo siday qashin, taasoo keentay in maamulku uga digo dadka deegaanka inay guryaha kasoo baxaan.

Milatariga Kuuriyada Koonfureed ayaa sidoo kale shacabka uga digay inay taabtaan buufinnada cad cad iyo bacaha ku xiran sababtoo ah waxaa ku jira “qashin wasakh ah iyo waxyaabo xun”.

Buufinnada ayaa laga helay siddeed ka mid ah sagaal gobol oo ku yaalla Kuuriyada Koonfureed, waxaana hadda la baarayaa dhab ahaantooda.

Kuuriyada Woqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed waxay labaduba adeegsadeen buufino ololahooda dacaayadda tan iyo dagaalkii Kuuriya ee 1950-meeyadii.

Millatariga Kuuriyada Koonfureed ayaa goor sii horeysay sheegay in ay baarayaan in ay jiraan waraaqo borobogaando ah oo Kuuriyada Waqooyi ay kusoo dartay buufinnada.

Dhacdadan dhawaan dhacday ayaa timid maalmo kadib markii Kuuriyada Waqooyi ay sheegtay in ay ka aargoosan doonto “warqadaha iyo qashinka kale ee inta badan lagu daadiyo” meelaha xuduudka ah ee ay wadaan dhaqdhaqaaqayaasha koonfurta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com




Source link