Booliiska Muqdisho oo xiray nin Baraha Bulshada dhaqanxumo ku baahiyay

Posted on




Ciidanka booliiska gobalka Banaadir, gaar ahaan saldhigga booliiska degmada Hodan ayaa xabsiga dhigay mid kamid ah dhallinyarada isticmaala baraha bulshada, gaar ahaan barta Tiktok.

Ninkan dhallinyarada ee la xiray oo lagu magacaabo Asmar Daahir Faarax ayaa ku eedeysan falal anshax-xumo ah oo kasoo horjeeda diinteena suuban ee Islaamka iyo dhaqanka wanaagsan ee Umadda Soomaaliyeed.

“Waxaan ka codsaneynaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda iyo hareeraheeda in ay na soo gaarsiiyaan xogta halka ay ku suganyihiin shakhsiyaadka ku kaca falalka anshax darrada ah, si aan u wada badbaadino mustaqbalka jiilka soo koraya,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska qeybta guud ee Booliska Soomaaliya.

Booliiska Soomaaliya ayaa bilaabay in ay xir xiraan dhallinyarada dhaqan-xumada bulshada ku dhaxwada iyo sidoo kale dhallinyarada ku kacda qabyaalada iyo kicinta bulshada.




Source link