Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Izmir kula kulmay dhigiisa dalka Turkiga

Posted on

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Difaaca ee  Türkiye, Yaşar Güler, intii lagu guda jiray bandhiga EFES-2024.

Kulanka gaarka ah oo ka dhacay magaalada Izmir ee Turkiga, halkaas oo uu ka socday bandhig Millatari oo ay ka qayb qaadanayeen ciidamada 49 dowladood oo isbahaysi la ah Turkiga, ayay labada mas’uul kaga wada hadleen xoojinta xiriirka difaac ee labada dal.

“Walaalaheenna Turkiga waxay kaalin weyn ka qaataan dhismaha ciidankeenna, horumarintooda iyo la-dagaallanka kooxda Al Shabaab ” ayuu yiri Wasiirka Difaaca Soomaaliya.

Dowladda Turkiya ayaa waxay kaalin weyn ka qaadataa dhismaha qaybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, horumarintooda, la-dagaallanka Al Shabaab, kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyo arrimaha bini’aaddannimada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link