Madaxweyne Erdogan oo Baaq xasaasi ah oo ka dhan ah Isreal u diray Dunidda Islaamka

Posted on

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa maanta oo Arbaco ah baaq ka dhan ah xasuuqa ciidamada maamulka Isreal ka wadaan magaalada Gaza u diray dunidda Islaamka.

Erdogan oo si weyn uga xumaaday xasuuqa ay ciidamada Israel u geesanayaan shacabka Falastiin ayaa sheegay in laga maarmaan tahay in dunidda Islaamka qaataan go’aan mideysan oo ka dhan ah Israel.

“Waxaan hayaa kalmado aan ku iraahdo dunida Islaamka: maxaad sugaysaan si aad go’aan midaysan u qaadataan? “Israel khatar kuma ahan Gaza oo kaliya balse waxay khatar ku tahay dhammaan bani’aadamka.” ayaa yiri Madaxweyne Erdogan.

Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa sidoo kale eedeyn culus u jeediyay Qaramada Midoobay, waxa uuna sheegay in xitaa awoodi waayeen in ay ilaaliyaan shaqaalahooda iskaba daa, in ay ilaaliyaan nolosha dadka shacabka ah.

“Qaramada Midoobay xitaa ma ilaalin karto shaqaalaheeda, maxaad sugeysaan si aad tallaabo u qaadaan? Ruuxdii Qaramada Midoobay waxay ku dhimatay Gaza,” ayuu yiri Erdogan.

Hadalkan kasoo yeeray Madaxweynaha Erdogan ayaa kusoo aadaya xilli ciidamada maamulka Isreal ay xasuuq ka wadaan magaalada Gaza iyo Rafah, halkaas oo ciidamada ku dilayaan dad shacab ah oon waxba galabsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Source link