Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo abaabul dagaal ka wada Ceelwaaq (Sawirro)

Posted on

Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Jubaland, mudane Maxamuud Sayid Aaden oo ku sugan degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo ayaa maanta booqday ciidan cusub oo dhawaan tababar loosoo xiray.

Ciidankanayaa loo diyaariyay inay ka qeyb qaataan, sugidda Amniga iyo howl-gallada ka dhanka  Al shabaab.

Madaxweyne ku xigeenka oo la hadlay ciidanka cusub ee daraawiishta Jubaland, ayaa kula dardaarmay inay u diyaar garoobaan, howlagalada lagula dagaalamaya kooxda Al shabaab isagoo sheegay inay la garab taagan yihiin waxkasta oo ay u baahan yihiin.

Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Jubaland iyo wafdigiisa oo maalmahan howla shaqo ujoogo degmada Ceelwaq ee gobalka Gedo ayaa wado dadaalo balaaran oo dib loogu habeynayo Ceelwaaq, sida Amniga, maamulka iyo guud ahaan howlaha hortabinta u leh bulshada ku nool degmada Ceelwaq iyo Deeggaanada hoos yimaada.

Source link