Ciidamada Israel oo la wareegay Isgoyska goobaabinta al-Cawda ee magaalada Rafah

Posted on

Ciidamada milatariga maamulka Isreal ayaa lagu soo waramayaa in ay la wareegeen isgoyska goobaabinta al-Cawda ee kuyaalla magaalada Rafax, kaddib weerar xooggan oo ay halkaasi ku qaadeen.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in taangiyada iyo dabaabaadka kale ee dagaalka Isreal lagu arkay isgoyska goobaabinta al-Cawda, waxaana halkaasi isaga kala cararay dadkii kala duwanaa ee ku sugnaa.

Goobtan ay la wareegeen ciidamada Israel ayaa ah goob caan ah oo inta badan ku yaalaan  bangiyada waayen, hay’adaha dowladda, ganacsiyo iyo dukaamo ganacsi, waxa ayna goobtan nus killo mitir u jirtaa xadka Masar la wadaagto Falastiin.

Ciidamada Israel ayaa la sheegay in ay tooganayaan dadka ay ku arkaan aaga ay ku sugan yihiin, waxa ayna ciidamada Israel ee galay magaalada Rafax halkaasi ka wadaan xasuuq iyo tacadiyo bini’aadannimada ka dhan ah .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link