Balloon nuuca sirdoonka ah oo lagu arkay hawada Ruushka iyo tallaabo deg deg ah oo la qaaday

Posted on




Wasaaradda Difaaca ee dalka Raashiya ayaa sheegtay inay abaarihii 9-kii Fiidnimo ee xalay oo Isniin ahayd (May 27) la soo riday Balloon nooca yar-yar(A small-sized balloon) oo dul heehaabayey Caasimadda dalkaasi ee Moscow.

Qoraal la soo dhigay Barta Telegram ee Wasaaradda Difaaca ayaa lagu soo bandhigay Muuqaalka Balloonka oo ay Nidaamka Difaaca Cirka ee dalkaasi ay Hawada ku burburiyeen.

Qoraalka laguma xusin dalka soo diray Balloonkaasi, balse waxay u badan tahay dalka Ukraine in laga soo ganay iyo haddii uu Balloonka ururinayey Macluumaadka Sirdoon ee Arrimaha Milliteriga Raashiya iyo Xarumaha Xasaasiga ee ku yaalla Caasimadda dalka Raashiya ee Moscow.

Si kastaba, Khubarada Sirdoonka Milliteriga Raashiya ayaa waxay daraasad ku hayaan burburka Balloonkii Sirdoonka ee Fiidkii xalay lagu burburiyey Hawada Sare ee magaalladda Moskow.




Source link