Masar oo War cusub ka soo saartay xiisada ka dhex aloosan Somalia & Itoobiya

Posted on

Dawladda Masar ayaa waxay mar kale ku nuuxnuuxsatay, muhiimadda ay leedahay in la xaqiijiyo amniga, xasiloonida iyo nabadda Soomaaliya, iyaga oo sheegay in Soomaaliya oo intaas hesha ay sidoo kale horseedi karto amni iyo xasilooni ka hirgasha gobolka oo dhan.

Dawladda Masar ay mar kale waxay haatan xaqiijineysaa in ay garab buuxa u tahay dawladda Muqdisho.

Bishii January ee horaantii sanadkaan, ayaa dawladda Masar waxay garab istaag u muujisay sidaan oo kale dawladda Soomaaliya, xilligaas oo khilaaf diblumaasiyadeed uu soo kala dhex galay Itoobiya iyo Soomaaliya, kadib markii Itoobiya ay heshiis badda la xiriira la sexeexatay Somaliland.

Heshiiskaas ayaa waxa uu dhigayay in 20 km oo dhul badeed ah laga kirayn doona dawladda Itoobiya, si ay uga dhisato saldhig ciidamo badeed, taas badalkeedana ay aqoonsan doonaan Somaliland.

Xilligaas ayay Masar sheegtay, kuna adkeysatay, in ay muhiim tahay in la xushmeeyo midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya, iyada oo si buuxda u diiday talaabo kasta oo lagu xagal daacinayo madaxbanaanida Soomaaliya.

Dawladdda Soomaaliya oo aad uga carootay heshiiskaas ayaa ka soo horjeesatay, iyada oo ku tilmaantay mid xadgudub ku ah madaxbanaanida Soomaaliya.

Shirar kala duwan oo ay qabteen IGAD iyo Midowga Afrika oo looga arrinsanayay khilaadka labada dhinac, ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay in la ixtiraamo madabanaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Maalinimadii shalay ayaa mar kale dawladda Masar ay u xaqiijisay Soomaaliya, in ay wali garab taagan tahay xasiloonada Soomaaliya, xilli ay kulan wada lahaayeen ra’iisul wasaaraha Masar, Mustafa Madbouly iyo safiirka Soomaaliya ee Masar Ilyaas Sheekh Cumar.

Ra’iisul wasaaraha Masar ayaa u xaqiijiyay safiirka iyo dawladda Soomaaliyaba sida ay dawladda Masar u garab taagan tahay dawladda Soomaaliya, maadaama ay leeyihiin labada dal xiriir taariikhi ah oo soo jireen ah.

Ra’iisul wasaare Madbouly ayaa sidoo kale u sheegay in safiirka in uu doonayo in uu xoojiyo iskaashiga labada waddan, isaga oo muujiyay sida uu u doonaya in uu xiriir wada shaqayn la yeesho dhiggiisa Soomaaliya.

Soomaaliya oo wali khilaafkii heshiiskii is afgaradka ee Itoobiya iyo Somaliland aan xal ka gaarin, ayaa waxay dhankeeda muujisay sida ay u dooneyso in wanaajiso xiriirka kala dhexeeye Masar. Safiirki Ilyaas ayaa waxay uu sheegay in dawladda uu matalo ay aad ugu baahan tahay taageerada Masar ee la xiriirta siyaasadda iyo amniga, oo ka mid ah caqabadaha uu wajahayo dalkiisu haatan.

Heshiiska aan wali xalka kama dambeysta ah aan laga gaarin ee badda ayaa sidoo kale intii uu cusbaa waxaa ka soo horjeestay ururada qaar ee gobolka. Ururka Midowga Jaamacadda carabta ayaa waxa ay kulan ay yeesheen ku diideen heshiiskaas, iyaga oo sheegay in ay garab taagan yihiin Soomaaliya.

Sidoo kale isla bishii January ee sanadkaan ayaa waxaa heshiiskaasi wajahay diidmooyin kale. Wadamada Maraykanka, Ingiriirska iyo Midowga Yurub ayaa waxay ku booriyeen dhinacyada in la xushmeeyo madaxbanaanida Soomaaliya.

Dawladda Itoobiya ayaa marar kala duwan oo ay ka hadahsay heshiiskaas waxay sheegtay in ay hirgalin doonaan, oo ay wadhadalo la sii yeelan doonaan Somaliland. Dhanka kale ee Somaliland ayaa iyana sheegay in ay doonayaan in uu dhaqan galo heshiisku.

Safiirka Soomaaliya ee ka qayb galay kulanka ayaa waxa uu aad u mahdiyay, hogaanka Masar ee garab istaagga u fidiyay.

Isha: BBC

Source link