(Sawirro) Saraakiil ka tirsan ciidamada XDS oo loo tababaray isticmaalka hubka culus

Posted on

Saraakiil iyo Saraakiil xigeeno ka tirsan ciidanka dhulka XDS oo loo soo xiray tababar lagu barayay isticmaalka hubka culus.

Taliye xigeenka ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyed Gen. Maadey Shiikh Nuur Ufurow oo uu wehliyo taliyaha ciidanka dhulka Gen. Dayax Cabdi Cabdulle ayaa tababar u soo xiray saraakiil iyo saraakiil xigeeno laga soo xulay guutooyinka iyo qaybaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaasoo la barayay isticmaalka hubka culus oo lagama maar-maan u ah dagaalka ka dhanka ah Al shabaab.

Taliye xigeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyed ayaa taliska ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu horkacayay Gen. Dayax Cabdi Cabdulle ku amaanay dadaalada aqoon kororsiga ah ee lagu tayeynayo saraakiisha iyo saraakiil xigeenada ka tirsan qaybaha iyo guutooyinka ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed, isagoo xusay muhiimadda ay ciidanka xoogga dalka xiligan u leedahay inuu helo saraakiil iyo saraakiil xigeeno maarayn kara hubka culus aqqoon dheeraadana u leh.

Sidoo kale taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Dayax Cabdi Cabdulle oo munaasabadda xiritaanka ka hadlay ayaa saraakiisha iyo saraakiil xigeenada qaatay tababarka kula dardaarmay in laga sugayo ka mira dhalinta dadaalka iyo waqtiga la geliyay ee ku aadan qaadashada tababarka  muhiimka ah.

Intaas kadib taliyeyaasha ayaa si wadajir ah u kormeeray qeyb deegaameed cusub oo loo hirgeliyay taliska ciidanka dhulka oo tiir-dhexaad u ah ciidanka xoogga dalka iyo bar hogaamineedka howlgalka dalka looga sifeynayo al shabaab.

Source link