Diyaarada Qatar Airways oo hawada ku ruxantay iyo khasaaro kala duwan oo ka dhashay

Posted on

Diyaarada Qatar Airways oo ka duushay magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar kuna sii jeeday magaalada Dublin ee caasimadda dalka reland, ayaa hawada ku ruxantay, waxaana qaar kamid ah rakaabka iyo shaqaalaha soo gaaray dhaawacyo.

Duulimaadka oo tirsigiisu ahaa787-9 dreamliner ee Qatar Airways ayaa ruxan la kulmay markii ay dulmareysay hawada Turkiga , waxaana la xaqiijiyay in dhaawacyo kala duwan soo gaareen 12-qof oo isugu jiray shaqaalaha diyaaradda iyo rakaab.

Diyaarada ayaa markii ay ka degtay garooka diyaaraha magaalada Dublin waxaa usoo gurmaday kooxaha gurmadka deg dega ah, kuwaa oo isbitaal ula cararay dadkii dhaawacyada soo gaareen.

Maamulka garoonka diyaaradda ka degtay ayaa sheegay in 8-qof oo kamid ahaa dadka dhaawacyada soo gaareen loola cararay isbitaal, halka afar qof oo kale oo dadkii dhaawacyada soo gaareen xaalkoodu caadi ahaa laguna caawiyay gudaha garoonka.

Rakaabkii saarnaa diyaarada Qatar Airways ee la kulantay hawo ruxanta ayaa cabsi badan lasoo darsay, waxaana la sheegay markii diyaarada ruxatay ay dad badan qeylo bilaabeen, iyaga oo moodayay in diyaarada dhici rabto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link