Turkiga oo $6 Milyan ku bixinaya safaarad cusub oo Somalia loga dhisayo Ankara

Posted on

Turkiga ayaa ka dhisaya magaalada Ankara dhisme noqonaya safaaradda Soomaaliya oo qiimahiisa lagu sheegay inay ku kacayso 6 milyan oo dollar, waxaana loo gudbiyay masgruucas Baarlamaanka Turkiga si ay u ansixiyaan.

Tallaabadan ayaa daba socota heshiiskii ay Soomaaliya ku siisay Turkiga dhismaha safaaradda uu ka dhistay caasimadda Muqdisho oo ay ku kacday $65 milyan, taasoo ka dhigtay dhismaha ugu weyn ee diblomaasiyadeed oo turkigu ku leeyahay caalamka, waxayna ku fadhisaa cabir dhan 61,000 sqm, iyadoo Soomaaliya ku beddelatay 4,918 sqm oo dhul ah oo ku yaal aagga diblomaasiyadda Ankara ee loogu yeero Incek, halkaasoo  Turkiga uu ka dhisayo safaaradda Soomaaliya oo ka mid noqonaysa dhismayaasha diblomaasiyadda ee ugu qiimaha sarreeya ee ku yaalla Ankara.

Heshiiskan markii loo gudbiyay Baarlamaanka wuxuu  durba dhaleeceyn kala kulmay warbaahinta mucaaradka Turkiga.

Sozcu, oo ah wargeyska maalinlaha ah ee ugu weyn mucaaradka, ayaa boggiisa hore ku daabacay, warbixin ay ku diiddayaan dhaqaalaha badan ee lagu bixinayo dhismaha safaaradda Soomaaliya. hase ahatee mucaaradka Turkiga waxay iska indha-tirayaan faa’iidada Turkiga ee Soomaaliya oo balaayiin doollar ka hela, sidoo kalana la siiyay mid ka mid ah dhulka ugu qaalisan Muqdisho oo dhinaca ku haya xeebta Liido

Source link