Magacyada Masuuliyiinta la geeriyootay Madaxweynaha dalka Iran oo la shaaciyay

Posted on

Madaxweynaha dalka Iran Ebrahim Raisi iyo masuuliyiin kale oo la socotay ayaa saakay oo Isniin ah la xaqiijiyay in ay geeriyoodeen, kaddib markii la helay bur burka diyaaradii Helicopterka ah ay la socdeen.

Shilka diyaaradeed Madaxweynaha dalka Iran waxaa kula geeriyooday masuuliyiin kale oo katirsan dowladda Iran uu ugu horreeyo wasiirkii Arrimaha Dibadda dowladda Iran Hossein Amirabdollahian.

Waxaa hadda soo baxaya faah faahinta masuuliyiinta iyo dadka kale ee shilka diyaaradeed kula geeriyooday Madaxweynaha dalka Iran, waxaana dadka geeriyooday yihiin kuwa aad ugu dhawaa Madaxweyne Ebrahim Raidi.

Halkan ka Akhriso magacyada masuuliyiinta la geeriyootay madaxweynaha Iran

Wasiirka arrimaha dibadda, Hossein Amirabdollahian

Guddoomiyaha Bariga Asarbayjaan Malek Rahmati

Wakiilka hogaamiyaha sare ee Iran ee bariga Asarbayjan Mohammad Ali Ale-Hashem

Madaxa ilaalada madaxtooyada Mehdi Mousavi

Duuliyaha diyaaradda helicopter-ka iyo ,kaaliyihiisa.

Waxaa sidoo kale shilka diyaarada ku geeriyooday qaar kamid ah ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha dalka Iran, shaqaalo katirsan Madaxtooyada iyo dad kale oo diyaarada la saarnaa Madaxweynaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link