Maxaa ka soo kordhay baadi goobka dayuurada Madaxweyne Raisi? (Sawirro)

Posted on

Wakaaladda wararka Iran ee IRNA, ayaa hadda ku warramaysa in la aqoonsaday goobta saxda ah ee uu ka dhacay shilka diyaaradda siday madaxweynaha Iran.

Dhibaatada waa inaysan lahayn awood ay ku gaaraan goobta kooxda samatabixinta Iran, kuwaaso caalamka waydiistay inay gacan ka siiyaan baaritaanka in ka badan 9 saac ay wadaan oo aysan ku gaarin goobta ay diyaaradda ku dhacday.

Golaha Wasiirrada Iran ayaa yeeshay kulan deg deg ah , kaasoo uu guddoomiyay Madaxweyne ku-xigeenka Iran, Mohammad Mokhber  oo ujeeddada shirka ku sheegay in la abaabulo dhammaan awoodda dowladda si loo helo diyaarada uu la socday madaxweynaha Iran,  Raisi iyo wafdigiisa.

Wuxuu  amar ku siiyay wasiirka caafimaadka, Bahram Einollahi iyo ku xigeenka madaxa fulinta Mohsen Mansouri in ay u safraan gobolka la aaminsan yahay in diyaaradda ay  ku dhacay si ay u kormeeraan hawlaha goobidda iyo samatabbixinta ee aagga, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Iran ee IRNA.

Wasiirka Arrimaha gudaha Iran , Axmed Vahidi ayaa isna sheegay sababo la xiriira cimilada inaysan u suuragelin kooxaha samatabixinta illaa hadda inay gaaraan halka la doonayo in laga sameeyo baadi-goobka loogu dhawaanayo in la helo diyaaradda madaxweynaha.

Xaaladda ka jirta goobta lagu waayay diyaaradda siday Madaxweynaha Iran, waa mid aad u adag waxaana roobabka iyo ciiryamada xirtay goobta oo ah dhul buuro iyo kaymo ah ay halis ugu jirta hadda howlgalka socodka ee lagu raadinayo diyaaradda madaxweynaha Iran inuu istaago, waxaa soo muuqatay inay Iran aragtay inaysan ku filnayn baadi-goobka Madaxweynaha iyo saraakiisha kale ee diyaaradda la saarna, taasoo ku qasabtay inay qaylo dhaan u diraan caalamka, iyadoo Midowga Yurub uu ku dhawaaqay in dayax-gacmeedkooda xaaladaha deg deg ah ka howlgelinayaan goobta diyaaradda lagu waayay.

Dawladda Turkiga ayaa dhankeeda ku dhawaaqday goor dhow inay ka qaybqaadan doonaan howlgalka baadi-goobka oo u muuqda illaa subaxa hore ee berri haddii aan natiijo laga helin inuu noqon karo howlgal caalami ah , xilli ay soo baxayso Biden inuu amray ciidanka cirka Mareykanka inay ka qaybqaadan karaan howlgalka haddii codsi uga yimaado dawladda Iran.

Source link