Hoggaamiyaha Iran, Ayatollah Khamenei oo fariin xasaasi ah u diray shacabka dalkiisa

Posted on

Hoggaamiyaha Iran, Ayatollah Khamenei  ayaa u sheegay qaranka Iran in aysan ka welwelin shilka diyaaradeed ee  Madaxweyne Raisi iyo wafdigiisa ay ku galeen woqoyiga dalkaas.

Hogaamiyaha ayaa ku booriyay dhammaan dadka reer Iran inay u duceeyaan caafimaadka iyo badbaadada Madaxweyne Raeisi iyo shaqaalaha kale ee saaran diyaaradda helikobtarka.

“Ma jiro wax carqalad ah oo ku imaanaya shaqada dalka, waxaana ILAAHAY ka rajaynaynaa inuu inoogu soo celiyo madaxweynaha iyo asxaabta kale. Qof walba waa inuu u duceeyaa.” ayuu intaas ku daray.

Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay la socdeen madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda ayaa dhacday maalintii Axadda, xilli ay ka udbaysay dhul buuraley ah oo ceeryaamo xooggani ay ka jirtay

Ciidamada dheeraadka ah, gurmadka, iyo kooxaha samatabbixinta ayaa sii wada inay yimaadaan saldhig laga dhisay magaalada Jolfa ee waqooyiga-galbeed Iran , meel u dhow halka la rumeysan yahay inay ku burburtay diyaaradda qumaatiga u kacda (Helikopter) uu la socday Madaxweynaha Iran, Ebrahim Raisi.

Si kastaba ha ahaatee, roobabka iyo ciryaamada hawada xiray  awgeed dhaqdhaqaaqa baabuurta ee ku wajahan goobta shilku ka dhacay ayaa hadda la go’aamiyay in aanay suurtogal ahayn, iyada oo kooxaha Samatabbixintu ay sii wadaan howlgal lug ah.

 

Source link