Sargaal caan ka ahaa Milatariga oo Muqdisho lagu qarxiyay kaddib casuumad uu ku yimid…

Posted on

Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho lagu qarxiyay taliyihii hore ciidanka qeybta 21-aad ee xooga dalka Jeberaal Xasan Maxamed Jaamici, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

Sida aan wararka ku helnay gaari uu watay Xasan Jaamici ayaa lala eegtay qarax nuuca miinada ah , waxaana qaraxa ku dhintay qaar kamid ah ilaalada sargaalkan katirsan ciidanka xoogag dalka , halka uu dhaawac culus qaraxa kasoo gaaray Xasan Jaamici.

Dhaawaca Xasan Jaamici ayaa loola cararay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, waxaana xubno ehel la ah sargaalkan oo gaaray isbitaalka sheegeen in xaalada dhaawac ee sargaalka soo gaaray ay tahay mid culus.

Wararka aan helnay ayaana sheegaya in Jeneraal Xasan Jaamici oo muddooyinkii lasoo dhaafay ku sugnaa deegaannada Galmudug uu soo gaaray magaalada Muqdisho, kaddib markii la sheegay in looga yeeray magaalada ayna casuumeen madaxda dalka.

Sargaalkan ayaa kamid ahaa saraakiisha dagaalka xooggan Al Shabaab kula galay deegaannada Galmudug, waxaana horey looga qaaday xilkii taliyaha ciidanka qeybta 21-aad, waxa uuna muddooyinkii dambe ku sugnaa Galmudug oo saldhig u ahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link