Khilaaf soo kala dhax galay Xukuumadda Dagaalka Israel iyo Wasiir ku hanjabay is-casilaad

Posted on

Khilaaf xooggan ayaa soo kala dhax galay wasiiradda dagaalka u qaabilsan maamulka Israel, waxaana la sheegay in khilaafka ka dhashay qorshaha ay Isreal damacsan tahay in ay ka hirgaliso magaalada Gaza marka uu dagaalka soo dhammaado.

Maamulka Isreal ayaana wali dejin qorshaha magaalada Gaza lagu maamulayo dagaalka kaddib, waana mida hadda keentay in wasiiradda qaar ee katirsan xukuumadda dagaalka Isreal ay dood ka keenaan qorshaha la’aanta xukuumadda.

 Benny Gantz oo katirsan xukuumadda dagaalka Israel ayaa si weyn uga xun in aan wali la dejin qorshe dagaalka Gaza kaddib, waxa uuna ku hanjabay in uu is casili doono, haddii aanu Ra’iisal Wasaare Benjamin Netanyahu uusan dejin qorshe lagu qanci kar.

Waxa uuna wasiirkan u qabtay Ra’iul Wasaare Netanyahu iyo xukuumaddiisa in qorshe cad oo la hirgalinayo dagaalka Gaza kaddib keenaan ilaa 8-da bisha soo socota ee Juun, qorshahaasi oo ah mid maamul rayid ah oon Xamaas ku jirin loogu dhisayo Gaza.

“Haddii aad qaranka ka hormarisaan shaqsiga, waxa aan noqon doonaa saaxiibada halganka. Laakin hadii aad doorataan dariiqa xagjiriinta oo aad umadda oo dhan ku hoggaamisaan god, waxaa nalagu qasbi doonaa in aan dowladnimada ka baxno.” ayuu yiri Benny Gantz.

Mr Gantz ayaa sidoo kale sheegay in joogista awoodda milatari ee Gaza ay kordhinayso khatarta ammaanka ee Israel, waxaana aragtidiisa kasoo horjeeda wasiirro katirsan midigta fog ee isbahaysiga talada haya in sii socoshada dagaalka ka dhanka ah Xamaas laga maarmana tahay.

Ra’isul Wasaaraha Isreal oo wax laga weediiyay hadalka Benny Gantz ayaa ku tilmaamay warkiisa ereyo aan micno laheyn, waxa uuna dhagaha ka fureestay dalabka wasiirkan kasoo yeeray iyo rabitaankiisa.

Khilaafkan ka dhax taagan xukuumadda dagaalka ee Isreal ayaa kusoo aadeysa xilli ciidamada Isreal ee howlgallada ka wada magaalada Gaza iyo duleedka magaalada Rafah la kulmayaan iska caabin xooggan oo lagu gaarsiiyay khasaarooyin badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link