Labo wiil oo walaalo ah oo 12 il-biriqsi ku dhacay lacag dhan 25 malyan oo doollar

Posted on

Labo wiil oo walaalo ah oo wax ka baranayay mid ka mid ah jaamacadaha ugu caansan Mareykanka ayaa lagu eedeeyay inay 12 ilbiriqsi gudahood ku xadeen lacag dhan 25 milyan oo dollar.

Anton Pirari Bueno oo 24 jir ah iyo James Pirari Bueno oo 28 jir ah ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira lacag dhaqis iyo wax isdaba marin, waxaana lagu eedeeyay in xatooyada ay tahay tii ugu horeysay ee nooceeda ah, sida ay sheegtay waaxda cadaaladda ee Mareykanka.

Dacwad oogayaasha ayaa maxkamada ka hor sheegay in labada wiil ee walaalaha ah, oo wax ku bartay Machadka Teknolojiyada Massachusetts (MIT) ee dalka Mareykanka, ay dambiga galeen bishii April 2023.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud Lisa Monaco ayaa maxkamada u sheegtay in labadaan wiil ee walaalaha eel akala yirahdo Anton Pirari Bueno iyo James Pirari Bueno ay xadeen lacag dhan 25 milyan oo doolar oo ah lacagta cryptocurrency-ga ah iyadoo la adeegsanayo nidaam farsamo oo casri ah oo ku qaatay bilo inay sameyaan laakiin ilbiriqsiyo kaliya u suurogeliyay inay xadaan lacagta intaas la’eg.

“Wakiilo ka socda Adeegga Dakhliga Gudaha ee Maraykanka ee marka la soo gaabiyo la yirahdo (IRS) ayaa gacan ka geystay qabashada nidaamkan ay wiilasha ku dhaceen lacagta ee ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee loo adeegsado nidaamka lacag dhaqidda,” ayay tiri Lisa Monaco.

Dacwad oogayaasha ayaa ku andacoonaya in labada nin ee walaalaha ah ay ku barteen xirfado gaar ah mid ka mid ah xarumaha waxbarashada ugu sareeya uguna caansan aduunka kadibna ay u adeegsadeen inay jabsadaan lacagaha cryptocurrency-ha ah.

Labadan wiil ee walaalaha waxay MIT ku barteen xisaabta iyo sayniska kombiyuutarka, sida ku cad diiwaannada maxkamadda.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maraykanka Damian Williams ayaa bayaan uu soo saaray Arbacadii ku sheegay in qorshaha ay adeegsadeen eedaysanuhu uu su’aal gelinayo tignoolajiyada blockchain lafteeda. Xusuusnow in iyadoo la kaashanayo blockchain, diiwaannada lacag bixinta cryptocurrency la hayo.

Labada nin ee walaalaha ah ayaa la sheegay in ay si gaar ah u beegsadeen ganacsatadii lacagta Ethereum ee ka mid ah lacagaha cryptocurrency oo aan weli la dhameystirin ka dibna ay beddeleen si ay lacagta u xadaan.

Baarayaashu waxay habkan ugu magacdareen ‘Ka faa’iidaysiga’ taasoo ay sheegeen inay qaadanayso dhawr ilbiriqsi oo keliya in la dhammaystiro.

Markii ay la soo xiriirtay shirkadda Ethereum, walaalaha ayaa dafiray inay xadeen lacagtaas cryptocurrency-ga ah waxayna isku dayeen inay qariyaan lacagta, saraakiisha ayaa sidaas yiri.

Marka loo eego xogta xeer-ilaaliyeyaashu soo bandhigeen, waa markii ugu horreysay oo eedeymo dembi lagu soo oogo wiilashan ka dib xatooyada lagu tilmaamay tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee soo marta dacwad oogeyaasha.

Hadii dacwadan lagu cadeeyo labada nin ee walaalaha ah waxaa lagu xukumi karaa 20 sano oo xarig ah.

Source BBC

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link