Israel oo War cusub ka soo saartay howlgalka ay ka wado degaanka Rafax

Posted on

Wasiirka difaaca ee Israa’iil Yoav Gallant ayaa sheegay in Israa’iil ay ciidamo cusub oo dheeraad ah ay “gelin doonto gudaha Rafax” xilli ay ciidamada milaterige ee Israa’iil ay hawlgallo kala duwan ka wadaan dhinaca koonfureed ee Qaza, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska wasiirka.

Gallant ayaa sheegay in hawlgalku “uu sii socon doono, isla markaana in ciidamo dheeraad ahi ay geli doonaan” Rafax. Wasiirka ayaa sheegay inay burburiyeen tiro ka mida buundooyinka dhulka hoostiisa mara.

Gallant ayaa intaas raaciyey in Xamaas ay tahay urur, dib isu abaabuli kara, isla markaana aan haysan ciidamo kayd ah iyo sahay kala duwan. Wuxuu sheegay inaanay awood u lahayn inay daaweeyaan, xubnaha ka tirsan ururkooda ee ay bartilmaameedsadeen.

Maraykanka oo saaxiib dhow la ah Israa’iil ayaa si weyn uga soo horjeestay hawgalka Israa’iil ee Rafah.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in illaa 600,000 oo qaxooti ahi ay ka qaxeen marinka Rafax, tan iyo markii ay hawlgallada Milateri ay halkaas ka bilawdeen.

Source link