Midowga Yurub oo digniin kama dambeys ah siiyey Israel iyo talaabo ay qaadayaan

Posted on




Midowga Yurub ayaa maanta ugu baaqay Israa’iil inay si degdeg ah u soo afjarto hawlgalkeeda milateri ee ay ka waddo Rafah.

Waxay ka digeen in haddii ay ku adkaysato Israa’iil inay sii wado howlgalkaas inay wiiqi doonto xiriirka Israa’iil iyo Midowga Yurub.

“Haddii Israa’iil ay sii wado howlgalkeeda militari ee Rafah, waxaa hubaal ah in ay culeys weyn saarayso xiriirka Midowga Yurub ee Israa’iil,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay ururka oo uu ku saxiixna madaxa siyaasadda arrimaha dibadda Midowga Yurub, Josep Borrell.

Israel ayaa howlgal muddo badan looga digayey waxay ka bilowday degaanka Rafah ee magaalada Gaza oo ay iskugu tageen dad ka badan 1.5 milyan oo ka soo qaxay qeybaha kale ee magaalada, waxaana laga cabsi qabaa in hadii halkaas uu dagaal ka dhaco ay waxyeelo aan la qiyaasi karin soo gaarto adkaas




Source link