50 Shabaab ah oo lagu dilay dagaalkii ugu cuslaa oo galabta ka dhacay Galgaduud (Wareysi)

Posted on

Mesegawaay (Wararka Maanta) – Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ee gobolka Galgaduud ayaa galabta Khawaarijta ku qaaday weerar culus oo ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Cawsweyne iyo Mesegawaay, waxaana dhacay dagaalkii ugu cuslaa.

Muuqaal ay soo duubeen askarta dagaalka ku jirtay ayaa muujinaya in gacanta la isula tegay oo dagaal la isku riiqmay uu ka dhacay goobta, waxaana goobihii lagu dagaalamay la wareegay ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka.

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Dayax Cabdi oo la hadlay TV-ga dowladda ayaa sheegay in tirada Shabaab-ka lagu dilay dagaalkii galabta uu kor u dhaafayo 50 xubnood.

Taliyaha ayaa sheegay inay ka war-heleen in Shabaab ay isku uruursanayaan dhulka howdka ah ee bariga gobolka Galgaduud, isla markaana ay ku waadeen weerar culus.

“Dhagarqabayaasha la dilay waxaa ka mid ah Horjooge Xuseen Cali oo ahaa nin caanka ah oo hoggaamiya jabhadaha, shartiisa maanta ayaan soo afjarnay, sidoo kale Horjooge Ayman oo ka mid ahaa dhagarqabayaasha dadka dhibay ayaa dhaawac culus ah,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka dhulka.

Al-Shabaab oo galabta lagu jebiyey dagaalkii dhacay ayaa la sheegay inay u firxadeen dhanka deegaanka Cawsweyne ee gobolka Galgaduud.

Xogaha madaxa-banaan ee Wararka Maanta ay ka heshay dagaalkaas waxay sheegeysaa in ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay ka dhaawacmeen 8 askari, kuwaas oo diyaarad ciidanka looga soo qaaday goobtii dagaalka.

Waxaa aad u yaraa khasaraha gaaray ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, markii la eego kan gaaray Al-Shabaab oo halkaas uga cararay meydad tiro beel ah.

Sidoo kale Taliyaha ciidanka dhulka ayaa faahfaahin ka bixiyey dagaal maalintii labaad ka socda deegaanka Beerayabaal ee gobolka Hiiraan, wuxuuna sheegay in maanta lagu guuleystay in Shabaab dhanka galbeed loo dhaafiyo Wabiga Shabeelle.

Hoos ka dhageyso wareysiga



Source link