3 qodob oo muhiim ah oo Xamza uu la tegay Ciraaq

Posted on

Baqdaad (Wararka Maanta) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta kulan la qaatay Hoggaamiyaha Xisbiga Dacwa ee dalka Ciraaq, Mudane Nuuri Al-Maaliki, sidoo kale isla maanta wuxuu kulan kale la yeeshay guddoomiyaha baarlamaanka dalkaas.

Xamsa markii uu tegay Ciraaq waxaa ku soo dhoweeyey Ra’iisul Wasaaraha dalkaas, wafdiga Soomalaiya ayaa madaxda dalka Ciraaq kala hadlaya xiriirka labada dal, iyadoo mudnaanta siiyey wadatashiyada ku saabsan isdhaafsiga khibradda, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo in Soomaaliya ay wax ka barato qaabkii dowladda Ciraaq uga adkaatay, ugana xoreysatay dalka kooxihii argagixisada ahaa.

Afhayeenka Xukuumadda Farxaan Jimcaale ayaa ka warbixiyay saddex qodob oo muhiim ah oo ay ku saleysan tahay booqashada rasmiga ah ee Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo wafdigiisa ay ku joogaan magaalada Baqdaad ee Jamhuuriyadda Ciraaq.

Qofobada ayaa kala ah:

1-Xoojinta cilaaqaadka ka dhexeeya labada wadan, iyadoo diiradda la saaray sidii loo cusbooneysii lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Ciraaq, sida ganacsiga iyo dhaqaalaha.

2-Arrimaha amniga oo muhiim u ah Soomaaliya ayaa looga hadlay kulamadii madaxda labada dal, Ciraaq iyo Soomaaliya waxay ka mideysan yihiin burhurkii qaranimada, balse Ciraaq ay ka soo kabatay, kana adkaatay argagixisadii ka dilaacday dalkaas, halka Soomaaliya ay weli la tacaaleyso dowlad-dhis iyo la dagaalanka argagixisada.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa safarkaan ku wehliya Taliyaha NISA, waxayna Soomaaliya ka baraneysaa Ciraaq duruus ku saabsan sida loo xaliyo marxaladaha ay ka siman yihiin labada dal, balse Ciraaq ay ka soo kabatay.

3-Qodobka 3-aad waa in R/Wasaare Xamsa uu madaxda Ciraaq la wadaago guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay arrimaha dagaalka argagixisada, dhaqaalaha, deyn cafinta, cunaqabateyntii hubka iyo guulaha kale ee dowladda Soomaaliya ay gaartay labadii sano ee xukunka uu hayey madaxweyne Xasan Sheekh.

Hoos ka daawo



Source link