210 qof oo lagu dilay howlgalka Israa’iil ku soo furatay afarta la heyste (Sawirro)

Posted on

Ugu yaraan 210 qof ayaa ku dhintay in ka badan 400 oo kalena way ku dhaawacmeen howlgal ay Israa’iil ku soo furatay afar la hayste oo ku sugnaa bartamaha Gaza, sida uu sheegay xafiiska warbaahinta Gaza

Howlgalka ciidamada amaanka Israel ayaa ka dhacay deegaanada Nuseirat, Deir al-Balah iyo Al-Zawaideh.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa loo daad gureeyey labo isbitaal oo ku yaalla Gaza, Isbitaalka Al-Awda oo ku yaalla Nuseirat iyo Al-Aqsa Martyrs Hospital oo ku yaalla Deir al-Balah, sida uu sheegay xafiiska warbaahinta.

Mar sii horreysay, soo-saare CNN ka tirsan oo jooga Isbitaalka Shuhadada ee Al-Aqsa ayaa sheegay in daraasiin qof oo dhaawac ah ay imaanayaan xarunta caafimaadka. Afhayeen u hadlay isbitaalka ayaa sheegay in tirada dhaawaca ay aad u badan tahay oo ay adag tahay in la xaqiijiyo khasaaraha dhabta ah.

Aqalka Cad ayaa Israa’iil ku ammaanay howlgalka, sida uu bayaan ku sheegay la taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan oo intaas ku daray in Maraykanku taageerayo dhammaan dadaallada lagu doonayo in lagu sii daayo la haystayaasha haray.

“Heshiiska la haystayaasha ee sii daynta iyo xabbad joojinta ee hadda miiska saaran waxa ay xaqiijinaysaa sii deynta dhammaan la haystayaasha haray oo ay weheliso xaqiijinta ammaanka ee Israa’iil iyo gargaarka dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ee Gaza,” ayuu Sullivan ku daray.

Mareykanka ayaa sheegay door taageerro inuu ku lahaa howlgalka lagu soo furtay Afar maxbuus oo Israa’iiliyiin ah oo maanta ciidanka Israa’iil ay ka soo furteen Xamaas, howlgal ay ka fuliyeen xerada qaxootiga ee Nuseirat oo ku taalla bartamaha Qasa, iyadoo Israa’iil ay sheegtay in labo goobood oo kala duwan laga soo badbaadiyay maxaabiistan.

Ciidamada Israa’iil ayaa toddobaadyo isku diyaarinayay hawlgalkii gaarka ahaa ee milatariga Sabtidii kaas oo lagu soo furtay afar la hayste oo Israa’iili ah .

Boqolaal shaqaale ah oo ka kala socda millatariga Israel, sirdoonka gudaha iyo qayb gaar ah oo booliis ah ayaa ka qayb qaatay badbaadinta sida uu sheegay afhayeenka milatariga Daniel Hagari.

Hagari ayaa intaa ku daray in howlgalkaasi uu ahaa mid dhul, bad iyo cir ah, waxaana uu sheegay in la soo furtay dadkii la qafaashay.

“Dhammaan afarta qof ee la qafaashay waxay u muuqdaan kuwo caafimaadkoodu wanaagsan yahay, waxaana lagu samayn doonaa baaritaan caafimaad oo dheeraad ah, waxaana ay dib ula midoobi doonaan qoysaskooda” ayuu raaciyay Hagari.

Afarta qof ee la sii daayay ayaa lagu kala magacaabaa Noa Argamani, 25 jir ah; Almog Meir Jan, 21 jir ah; Andrey Kozlov, 27 jir ah; iyo Shlomi Ziv oo 40 jir ah.

Afhayeenku wuxuu sheegay in ciidamada difaaca Israa’iil ay “wax walba samayn doonaan” si ay u soo furtaan 120ka la haystayaasha ee ku haray marinka Qaza.

Xamaas ayaa dhankeeda sheegtay 8 bilood kaddib oo dagaalku socdo inay maanta sheegto Israa’iil inay soo furteen 4 maxbuus inaysan waxba ka beddeli karin guul-darrada istiraatijiga ah ee dagaalka ay kala kulmayso Israa’iil.

Source link